MACLUUMAADKA KAARKA
DHIBBANAHA
Xuquuqda iyo Adeegyada
dhibbanayaasha Dambiga oo idil
Waxaa xaq u leedahay in aad codsato
caawinaadda dhaqaalaha ku saabsan khasaaraha kaa soo gaaray dagaalka dambiga.
Kaalmadaas ma daboolayso khasaarihii hantida. Wixii ku saabsan dabbaqaadda iyo
macluumaadka ka wac 651-201-7300. Wixii ka baxsan nawaaxiga Magaalooyinka
Mataanaha ka wac: 888-622-8799 ama gal OJP Website: ojp.dps.mn.gov.
Waxaa xaq u leedahay in aad codsato in hahay’adda nabadsugiddu aanay u
bandhigin dadweynaha xogta aqoonsigaaga. Hay’adda nabadsugiddu waxay go’aaminta
doontaa suurtagalnimada arrintaas.
Xaq
waxa aad u leedahay, haddii eedaysanaha la xukumay, in lagu soo wargaliyo iyo
in aad ka qaybgasho hawlsocodsiinta dacwadda, oo ay ku jirto codsiga soo
celinta (lacagta ay maxkamaddu amartay in dambiiluhu siiyo dhibbanaha).
Haddii aad ay kula tahay in
lagu xadgudbay xuquuqdaada dhibbane ahaan, ka wac Cutubka Caddaaladda
Dhibbanaha Dambiga (Crime Victim Justice Unit) telefoonka 651-201-7310 ama
800-247-0390, cjvu.ojp@state.mn.us.
Xuquuqda ay Leeyihiin Dhibbanayaasha
Xadgudubka Guriga
Waxa aad weydiisan karta dawladda
hoose ama xeer ilaaliyaha degmada xaraynta dacwad ciqaabeed.
Waxaa kale oo xaq u leedahay in aad
maxkamadda tagto iyo xarayso dacwad aad ku codsanayso Amarka Ilaalinta
xadgudubka guriga. Amarka waxaa ku jiri kara waxaa soo socda:
- amarka ah in xadgudbuhu aannu la imaan
xadgudub dambe;
- amarka
ku waajahan in xadgudbuhu uu isaga tago gurigaadaan;
- amarka
looga ilaalinayo in xadgudubluhu soo galo gurigaada (ama goob macquula ee
agagaarka gurgaada), dugsiga, ganacsiga ama gobta shaqada;
- amarka
laguugu bixinayo haynta waalidnimada/ama booqashada canugga yar ama caruurta; ama
- amarka
ku waajahan xadgudublaha ee ku saabsan bixinta masruufka ilmaha haddii
xadgudubuhu maxkamaddu sidaas ku amartay.
Waxaa kale oo aad xaq u leedahay
ogaysiiska haddii eedda dacwadda hoos loo dhigo ama ciqaabta lagu waayo.
Wixii caawimaad ah ee ku saabsan u helitaanka gargaarka maxalliga ah
Amarrada Badbaadinta iyo Amarrada Xakamaynta Xasaradaynta, kala xiriir:
Khadka
Qalalaasaha
ee Minnesota Day One: Wac 866-223-1111 ama u tekst garee 612-399-9995. Halkan guji si aad u tagto barta internetka.
Helitaanka Caawimada
Si aad u hesho bixiye adeeg dhibbane iyo ilo
kale gudaha Minnesota, Halkan guji ama la xiriir hay'adda fulinta sharciga ee deegaankaaga.
Shuruudaha U Wargalinta Xeerka Ee Loogu
Talagalay Sharci Fulinta
Saraakiisha fulinta sharciga ayaa ah inay u
qaybiyaan ogeysiiska hore ee xuquuqaha iyo ilaha dhammaan dhibbanayaasha
dambiyada marka ugu horeysa ee ay xiriiraan. Xeerarka Minnesota qaybta 611A.02,
qodobka. 2(b).
Saraakiisha fulinta sharciga ayaa ah inay u ku
siiyaan macluumaad dheeraad ah ogeysiiska hore dhammaan dhibbanayaasha ku
tacaddiga guriga. Xeerarka Minnesota qaybta 629.341,
qodobka. 3.